Saturday, March 15, 2025
HomeAll News3 Arrimood oo Sababi Kara In Wakhti Dhow Lagu Kala Baxo Dagaalka...

3 Arrimood oo Sababi Kara In Wakhti Dhow Lagu Kala Baxo Dagaalka Soomaaliya. (WQ: C/Risaaq Xaaji Xuseen)

Akhirtaha sharafta badanow, weli ma is weydiisay sababta dalkeena hooyo mudada dheer dagaalku uga socdo? Maka fakartay waxa uu salka ku hayo hardanka caalamiga ah ee ka holcaya wadanka? Naftaada ma kala sheekeysatay sababta ay malaayiin qof oo Soomaali ah qaxooti ugu yihiin dalal shisheeye? Mase ogtahay hadda in la joogo waqtigii lagu kala bixi lahaa dagaalka ka socda wadanka ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda? Dhammaan su’aalahan waa kuwa ay tahay inuu maan miyir leh ku lafaguro qof kasta oo muwaadin ah oo jooga dalka ama sidayda oo kale ku nool qurbe dareen ku joog ah.

Soomaalidu waxay tiraahdaa (kala bax kitaabka ayaa qaba), waxaan maqaalkan kooban diiradda ku saarayaa 3 arriimood oo mar dhow sababi kara inay kala adkaadaan Xarakada Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka oo muddo dheer dagaalamaya. Balse inta aanan qodobadaas tilmaamin, natiijadoodana aan soo uruurin, waxaan kasii afeefanayaa akhriste in aadan iiga tashan hadallo u hiillinaya dhinaca aad hiyiga ku hayso -dowladda ama Al-Shabaab- midkuu doonaba ha noqdee.

Kaliya waxaad iga sugtaa xaqiiq, cadaalad iyo eex la’aan, waxaadna ogaataa qalinku inuu ammaano yahay, aqoonyahankuna inuu sheeko “fiction” khiyaali ah kaaga sheekeeyo ama kaaga warramo kaliya waxyaabaha lagu majeeran karo cidda aad la jaalka tahay waxaa kaaga muhiimsan inaad ogaato xaqiiqada dhabta ah.

  • 1-   Xujada Diineed iyo cidda ku gacan sarreysa.

26 January 2023, waxaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirweyne ay dowladdu isugu keentay culimo Soomaaliyeed oo isugu jirta daljoog iyo qurbjoog si ay sharciyad ugu sameeyaan dagaalka caalamiga ah ee ay Xukuumadda iyo Beesha Caalamku kula jiraan kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab, waxay culimadu soo saareen war-murtiyeed ay ku xalaaleeyeen dagaalka Al-Shabaab, iyagoo kooxda ku tilmaamay inay lamid tahay kooxihii ku baxay Khilaafadii Cali Bin Abii Daalib ee “Khawaarijta”.

Al-Shabaab iyaguna shirweyne ay ku marti qaadeen culimada dalka joogta oo dhacay 25 October 2022, waxay fatwoodeen in dowladdu ka baxday Islaamka, oo ay gaalada ku garab siisay duullaanka lagu soo qaaday dalka, inay bannaysatay dhiigga qof kasta oo ku jihaada gaalada, inay hantida Muslimiinta iyo khayraadkooda baylah uga dhigtay gaalada iyo qodobo kale oo badan. Waa muhiim inaad fahamto dooda diineed si aan garnaqsi ugu sameeyno labada dhinac.

Eedda loo jeediyay Al-Shabaab, waxay uga jawaabteen isla shirkoodii oo waxay sheegeen inay yihiin dad dagaal kula jira gaalo soo duushay iyo dabadhilifyo la socda. Waxay iska fogeeyeen magaca Khawaarij, oo waxay xuseen qolada Khawaarijta la yiraahdo inay leeyihiin qeexitaan uu sheegay Suubanaha Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaato’e, kaasoo ah “KHWAARIJTU WAXAY DILAAN ISLAAMKA, GAALADANA WEY ISAGA TAGAAN” sidaasi darteed waxay tilmaameen inay si isku mid ah u dilaan gaalada iyo kuwa la socda, caddeymahoodana ay joogto u baahiyaan, tan kale wadaadadooda waxay ku doodayaan in dowlada Xasan Sheekh aysan la mid ahayn dowladii Cali Bin Abii Daalib una dhaweeyn, qofkii la meel dhigana uu ku dambaabayo.

Dowladdu marnaba sida kooxda ugama jawaabin eedeymaha culus ee loo jeediyay ee aan kor kusoo xusay, badalkeedana weyba ku faantaa qodobadaas lagu eedeeyay oo ay kamid yihiin, in ay gaalo u garabsanayso dagaalka, inay ku dhaqanto qaanuun kasoo horjeeda diinta Islaamka iyo xeerka ciqaabka sida dhowr jeer aad ka maqasheen Sheekh Cali Wajiiz, Sheekh Bashiir Axmad Salaad, Xamza Cabdi Barre, iyo Abukaato Dudaaye oo isugu ka tirsan garsoorka dowladda, dhammaantood waxay sheegeen dastuurka iyo xeerka ciqaabta iney ka buuxaan qodobo gaalnimo ah. Arrintan waa midda keentay in dadka Soomaaliyeed ay taageeri waayaan dowladda, maadaama ay si cad uga muuqdaan eedeymaha loo jeediyay. Mararka qaar haddii aad isku daydid inaad justification u sameysid dowladda wey kugu adkaanaysaa, waayo iyadaaba ku faanaysa waxa ay Al-Shabaab ku eedeynayaan.

Natiijada xujooyinka iyo xoogganaanta afkaaraha Dowladda iyo Al-Shabaab, waxaan labada dhinac ku sameeyay qiimeyn aad u gundheer, waxaan isbarbardhig ku sameeyay ciidamada uu mid walba soo saaray sadaxdii sano ee laga soo gudbay, waxaan daawaday muuqaallo ay soo  baahiyeen warbaahinta Dowladda iyo mida Al-Shabaab, waxaa ii soo baxday in kooxda asal-raaca ah ay dhallinyaradu aad ugu biirayaan, kuwaas oo ay ku jiraan dad laga yaqaano bulshada dhexdeeda. Waxaan xaqiiqsaday hadal uu Madaxweynaha siiyay Warbaahinta Reergalbeedka bishii Feruary ee sannadkii lasoo dhaafay 2024, oo uu ku sheegay in MOU gii Muuse iyo Abiy ee Badda uu fursad siiyay Al-Shabaab, kuna biireen ciidan cusub oo u dhaxeeya 6 kun illaa 8 kun.

Waxaan la yaabay video ay kooxdu baahisay todobaadkii lasoo dhaafay bartamihiisii oo ay kasoo muuqdeen askar qiyaastii 1 kun illaa 2 kun oo cusub, taasina waxaan u sababayn karayaa dowladda oo looga dheereeyay xujada diineed. Maanta Al-Shabaab uma muuqdaan kuwa ay heyso baahi ciidan oo lamid ah midda ay wajahayso dowladda, waxaan arkay khudbad uu taliyaha ciidanka lugta ee dowladda uu ka jeediyay agagaarka Buulobarde ee gobolka Hiiraan, taliyihi wuxuu la hadlayaa malleyshiyo beeleed lasoo uruuriyey, wuxuu ku celcelinayaa “dowladdu idinka ayay idinku tashanaysaa, rasaas kaliya ayaan idiin awoodnaa…”

  • 2-   Danaha Itoobiya iyo cidda fulineysa

Itoobiya oo ah dowlad naga heysata dhul iyo kheyraad ballaaran, ciidamana ay ka joogaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxay dalkeena ka leedahay istaraatiijiyad qoran oo ay madaxdeedu iska dhaxlayeen dhowr qarni oo xiriir ah, taasoo ku saleysan habkii ay ku hanan lahaayeen badda dheer ee Soomaaliya. Dad badan oo ay kamid yihiin kuwa qurbaha ku nool waxay aaminsan yihiin in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu meel uga dhacay qarannimada Soomaaliya kadib markii uu Ankara kusoo saxiixay heshiis Itoobiya u oggolaanaya inay degto, lana wareegto badda Soomaaliya.

Socdaalkii uu Abiy ku yimid Muqdisho 27, February 2025, wuxuu wadnaha ka toogtay qof walba oo Soomaali ah oo ka qiirooday MOU-gii uu Muuse saxiixay, una guuxay hadalladii diidmada ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Laakin adeerkay Xasan kun jeer ayuu ka daray Abtigay Muuse, sababtoo ah wuxuu Abiy geeyay xeebta Muqdisho, tallaabadaasna waxay ahayd mid xanuun badan oo ka fajacisay Soomaalida damiirka leh, dhanka kala ku farxeen shacabka Itoobiya sida laga arki karay baraha bulshada. Kaaga sii darane, waxaa Abiy hortiisa lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dhalintii ku dabaalanayey xeebta ee ku mudaaharaaday ninkaa Itoobiyaanka ah. Meesha ay sidaa u dhaqantay Dowladda, Al-Shabaab waxay aad uga soo horjeesteen safarka Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, waxay la wareegeen magaalada Balcad oo oo maalintaas lagu waday in dalxiis ahaan loo geeyo wafdiga Abiy Axmad, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayey sidoo kale duqeeyeen.

Dowladda Federaalka waxay hadda Itoobiya u aragtaa “walaal iyo waalaid” aan sinnaba looga maarmi Karin sida laga dheehanayay boorarkii Abiy lagu soo dhaweynayay oo qaarkood lagu qoray inuu yahay Aabihii Afrika. Wareysi uu todobaadkii tegay siiyey BBC, wuxuu wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamad Nuur ku qiray in Itoobiyaanka ay gacan ka siiyeen dagaalka Sh/dhexe ka haysta oo ay halkaas duqeymo ka geysteen, walow uusan sheegin natiijada duqeymahaas. Balse Al-Shabaab waxay Itoobiyaanka u arkaan cadawga koowaad ee ummadda, weyna la dagaalamaan.

Abuu Cubeyda, oo ah hogaamiyaha Xarakada ayaan dhageystay khudbad uu ka jeediyay shir uu bishii lasoo dhaafay la yeeshay gudoomiye goboleedyada maamulkiisa, wuxuu meel cad ka istaagay xabashida, dowladdana wuxuu ku eedeeyey niman liita oo ay wax walba beec ka yihiin koley ku tahay Badda, wuxuuna Soomaalida ugu baaqay inay ku garab siiyaan daafaca wadanka.

Labada dhinac iyo meesha ay ka kala taagan yihiin Itoobiyaanka ayaa ah arrin keeneysa in qofka Soomaaliga ah uu la safto Al-Shabaab ama ugu yaraan uu ka istaago inuu taageero dowladda, maxaa yeelay damiir ahaan bulshada Soomaaliyeed uma cuntameyso in loo caadiyeeyo xiriirka kala dhexeeya Xabashida hororka ah, waana dhaqan ay kala mid yihiin dadka reer Falastiin, maanta ma dhici kartaa in qofka Falastiiniga lagu qanciyo in Yahuudu walaalihiis yihiin oo uu qeyb ka siiyo badda iyo berrigga ay ku nool yihiin? Jawaabtu waa maya.

Dhab ahaantii dugsashada Itoobiya, dowladdu waxay ku lumisay dad badan oo taageeri jiray. Abuukar Uumow oo aan wada dagganahay Stockholm oo aad u difaaci jiray dowladda, runtii wuu ooyay maalintii uu arkay sawirka Abiy Axmad oo taagan xeebta Liido, wuxuuna igu yiri, war lamid ah hadalkii Cabdi Saciid sheegay, oo ahaa dalkaan Shabaab cidaan ahayn oo maanta Itoobiya ka difaaci karta ma jirto, markaasaan ku iri, adigu sow dalka ma lihid? Intuu muusooday ayuu iga tagay isagoo madaxa nuuxnuuxinaya oo amakaagsan!.

  • 3   Ficillada Dowladda oo dhiirragelinaya Al-Shabaab

Inkastoo madaxweynaha Soomaaliya uu caddeeyay in dowladdu Dimuqraadi tahay, haddana wuxuu mararka qaar hadallo siyaasadda u badan ka jeediyaa Masjid ku yaalla madaxtooyada. Markaad aragto muuqaalkiisa iyo labiskiisa aad buu kuu soo jiidanayaa, hadalkiisana kaba sii daran. Wuxuu dadka ku waaniyaa inta badan akhlaaqda wanaagsan, haddana waxaad arkaysaa isagoo haween ajnabi ka ah qaabilaya oo xabadka gelinaya sidii jilayaasha reer Hindiya. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuu kamid yahay dadka dhalliilay hab dhaqanka noocaan ah ee madaxweynaha kadib markuu arkay isagoo qaabkaas aan soo xusay u salaamaya haweeneyda Abiy Axmad, safarkiisii ugu dambeeyay ee uu ku tagay magaalada Adisababa.

Sidoo kale waxaa jirta in madaxweynuhu uu dalka Norwey ka sheegay in Diinta Islaamku tahay “Crisis” (xasarad) dhibna ku hayso Soomaaliya iyo caalamkaba. Waxaa shaki la’aan ah in arrimahan ay dhiiragelinayaan dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaasoo si ficil ah u arkaya waxyaabihii dowladda iyo hogaankeeda lagu eedeynayey ee diinta ku saabsanaa. Waxay sidoo kale niyadda ka dileysaa askariga dowladda ee dagaalka ku jira kooxda, wuxuu isku arkayaa askarigu shaqsi calooshiis u shaqeyste ah oo cid iyo mabda’ kale u dagaalamaya, wuxuuna askariga Shabaab u qaadanayaa inuu yahay wadaad, sababtuna waxay tahay sida uu u dhaqmayo madaxweynaha. Maxaa Xasan Sheekh ku kallifay inuu u rukuuco ciidankii Kenya ee lagu dilay Ceel-Cadde? maxaase ku khasbay inuu ooyo markii uu ka qeyb galayay aaska Boqoraddii Ingiriiska? Waa su’aalo aan marar badan isweydiiyo, balse aan illaa hadda jawaab u la’ahay. Xilliyada qaar waxaan iraahdaa: (madaxweynaha wey ka hoos baxday) hase ahaatee waxaad arkeysaa isagoo markiiba ku kacaya ficil midkii hore ka halis badan, waxaad heleysaa gelin isagoo masjid ka hadlaya ama tartan Quraan soo xeraya, gelina ku sugan hotel, oo hortiisa ay rag iyo haween Dance ku cayaarayaan.

Waxaan u fahmay dowladdu iney dooneyso iney qanciso laba dhinac oo ay adag tahay sida lagu raali geliyo, waxaa la doonayaa in beesha caalamka la qanciyo oo loo muujiyo Dimuqraadiyad, dhanka kalana waxaa la doonayaa in dadka Soomaaliyeed loo muujiyo Diinta, laakin waxaa su’aal ah dhinacee daacad loo yahay, dhinaceese loo been guurayaa.? Wixii jira Allaa og, qof walbana garashadiisa iyo go’aankiisa.

  • Gunaanad

Dagaalka Soomaaliya ka socda waa waxa reergalbeedku ugu yeeraan “counterterrorism” waana dagaal mashruuc ah oo ay danahooda ka arkeen dowladaha Kenya, Itoobiya, Mareykanka iyo Reer Yurub. Dagaalka wuxuu lugaha lasii galayaa 20 sano marka laga soo ambaqaado sannadkii 2006 oo ah xilligii ay dalka kusoo duulleen ciidamada Itoobiya ee uu Mareykanku taageerayey, inta uu socdo dagaalka waxaa fashilmay hawlgallo caalami ah oo dhaqaale badan lagu bixiyay oo ahdaaftii laga lahaa aan la xaqiijin, waxaa kamid ah hawlgalkii AMISOM iyo midkii xigay ee ATMIS oo labadub ku guuldareystay inay meelmariyaan jadwalkii loo dejiyey iyo qorshihii u qornaa oo ay ugu weyneyd inay tirtiraan Al-Shabaab, dhidibadana u taagaan dowlad Soomaaliyeed oo leh ciidan isku filan.

Halkii ay ahayd in Al-Shabaab awoodooda la wiiqo waxaa korortay awoodii kooxda, waana tan hadda carcarta lasoo baxday ee dib ula wareegeysa dhul ay horey u joogeen ciidanka dowladda. Ifafaalaha wuxuu sheegayaa in uu aad u dhow yahay xilligii lagu kala adkaan lahaa dagaalka Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa ka niyad jabtay natiijo la’aanta dagaalka, Dowladihii reer Yurub ee tabantaabayey Villa Somalia iyaga ayaa maanta ku sugan hubanti la’aan amni kadib markii uu Mareykanku uga baxay dagaalka Ukraine, laguna wargeliyey inay iskood isaga difaacaan duullaanada Ruushka ee halista ku ah Yurub.

Dowlada Federalka oo u muuqata in looga adkaaday xujada diinta iyo dagaalka fakarka, dadka Soomaaliyeed oo diidan heshiiska badda lagu siinayo Itoobiya, aaminsan-na in cidda kaliya ee maanta Xabashi la dagaalami karta ay tahay kooxda mintidka ah ee Soomaaliyeed, iyo ficillada madaxda dowladda oo tamar u noqonaya Al-Shabaab, iyo ciidanka dowladda oo aan niyad u hayn dagaalka, dhammaan qodobada aan soo tilmaamay ee sababta u noqon kara jabka kama dambeysta ah ee dowladda, waa kuwa ka muuqday dalka Afgaanistaan 6 bilood kahor inta aysan wadanka la wareegin Dhaalibaan. Sidoo kale in badan oo kamid ah qodobadaas waxay ka muuqdeen Suuriya 6 bilood kahor inta uusan wadanka isaga cararin Bashaar Al-Asad, waxay kaloo ka muuqdeen Soomaaliya 6 bilood kahor markii Muqdisho laga eryay Hogaamiye kooxeedyadii sannadkii 2006.

Aadmiguna sidduu aawilaa, dhaaxba la arkaaye, waxaan maqaalka kusoo gunaanadayaa sheeko cajiib ah oo ku saabsan hadal uu jeediyay madaxweynihii Afgaanistaan Ashraf Ghani kahor inta aaney Daalibaan dalka la wareegin, hadalkaa oo lagu taxliiliyay inuu ahaa kuhaan (ishabaarid) iyo war kaa lamid ah oo uu jeediyay Xasan Sheekh. Haddaan ku hormaro Afgaanistaan, wuxuu madaxweyne Ahraf Ghani ku khudbeeyay in dalka aysan mar dambe ka dhici doonin doorasho khad cagaaran ah oo la qaban doono doorasho qof iyo cod ah, xilliga uu sidaa oranayana waa waqti ay carcar lasoo baxeen Daalibaan, waxaana dhacday in dalka aysan doorasho ka dhicin oo ay la wareegeen Daalibaan. Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in Ashraf uu is kuhaanay, hadalkiisii qeybna uu Eebbe weyne u qabtay. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashadiisii kadib ku khudbeeyay in mar dambe aysan doorasho ka dhici doonin Teendhada Afisyooni, 4 maalmood kahorna wuu kusoo celiyay, xilli ay dardar lasoo baxeen mintidiinta. Haddaba Malaga yaabaa inuu is kuhaanay isagana, oo inta dowladda ah ay diyaaradaha dabada qabsadaan, la iskuna ciriiriyo doomaha kalluumeysiga ee xeebta Muqdiso yaalla?.

C/Rrisaaq Xaaji Xuseen: Stockholm, Sweden

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.