Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsXassan Sheekh oo Qiray Inuu ku Fashilmay Dagaalka Ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xassan Sheekh oo Qiray Inuu ku Fashilmay Dagaalka Ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo waraysi siinayay wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Maraykanka, madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay imaanshaha Trump ee Aqalka cad, isagoo tilmaamay inuu rajeynayo in taasi aaney wax saameyn ah ku yeelan duullaanka Maraykanka ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in shakhsiyaad ka ag dhow Donald Trump ay u ololeynayaan in maamulka Soomaaliland loo aqoonsado dal madax banaan, arinkaas oo uu sheegay in Dowladiisu kasoo hojreedo, una aragto inuu saameyn ku yeelanayo amniga iyo xasiloonida mandiqadda iyo Soomaaliya.

Mar su’aal laga weydiiyay dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayuu Xasan Sheekh Maxamuud tilmaamay, ineysan weli ku guuleysan maquuninta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dagaalka ay kula jiraanna uu socdo 18 sano oo xiriir ah.

” Waxaan Al-Shabaab dagaal kula jirnaa muda dhan 18 sano, inkastoo aan ka qabsanay dhul ballaaran hadana weli looma jebin Al-Shabaab si buuxda, dagaalka aan kula jirnana waa mid aad u adag, awoodeenana waa mid kooban” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa codsaday in Maraykanku sii kordhiyo taageerada uu siinayo Dowladda Fedearalka iyo kaalinta uu ku leeyahay duullaanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Maraykanku ka saacido arimo badan oo la xiriira dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mar su’aal laga weydiiyay waxa dhici kara haddii Donald Trump qaato go’aan ah in ciidamadiisa jooga Soomaaliya uu la baxo, ayuu Xasan Sheekh Maxamuud sheegay iney ka codsanayaan Trump inuusan ciidankiisa kala bixin Soomaaliya, taas bedelkeedana uu soo kordhiyo. ” Trump waa nin karmeed, waxaan u baahannahay taageero, waxaan fileynaa inuu Soomaaliya il gaar ah ku fiiriyo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa walaac badan laga dareemayo.

Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya ka wada dagaal ay ku fulineyso ajandaha iyo danaha Maraykanka, waxaana dagaalka Soomaaliya ka socda ee lagula jiro shacabka Soomaaliyeed iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay marar badan aqoonyahannadu tilmaameen inuu yahay, dagaal uu Maraykanku wato, Soomaalida la socotana ay qowsaaro oo keliya ka yihiin.

Halkan kala deg Faafaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.