Wararka ka imaanaya magaalada Waajid ee gobolka Bakool ayaa ku waramaya, in qarax xoogan lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay gudaha magaalada.
Qaraxa ayaa si gaar ah waxa uu u haleelay gaari nooca Uuralka ah oo ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana goobta ku basbeeley gaariga.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay 3 askari Itoobiyaan ah, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, waxaana qaraxan lagu tilmaamayaa mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaan ciidamada Itoobiya lagula beegsado Waajid.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Waajid ayaa isku geedaamay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo jiitay gaariga laga basbeeliyay, sidoo kalena daabushey meydadka iyo dhaawacyada saaxiibadooda.