Ilo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay weeraro qorsheysan ka fuliyeen todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Al-Fasher oo ah xarunta gobolka Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ay gubeen tuulooyin dhowr ah, ayna bililiqaysteen hantidii ay lahaayeen dadka shacabka ah, iyadoo ay intaasi dheer tahay inay ku xadgudbeen tobaneeyo qof oo rayid ah oo ku sugnaa tuulooyinka Shaqra iyo Qulu oo dhanka galbeed kaga beegan Al-Fasher. Weerarada ayaa waxaa ka mid ahaa toogasho aan loo meel dayin iyo burbur loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo boqolaal rayid ah ay u barakaceen goobo ku dhaw dhaw deegaanadaasi si ay ammaan u helaan.
Sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah, weerarradani waxay ku yimaadaan qaab-dhismeedka istaraatiijiyadda ay raacaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah si ay u gubaan tuulooyinka. Warbixinada maxaliga ah ee dalka Suudan, ayaa sheegaya, in howlgallada noocaan oo kale ah oo ay fuliyeen maleeshiyaad RSF ay ku gubeen bishii December ee lasoo dhaafay illaa 11 tuulo oo hoostaga deegaanka Abu Zariqa ee koonfurta magaalada Al-Faasher.
Bartamihii bishii Oktoobar, 45 tuulo oo waqooyi-galbeed ka xiga Al-Fasher ayaa la gubay, oo ay ku jiraan tuulooyinka Bariidak, Anka, Amray, Donki Bashim, Half, Bir Mazza, Baqar, Matti, Abu Ashwa, iyo Jayo Jia.
Suleymaan Aadam oo ka mid ah madaxda maamulka rayidka ah ee tuulada Shaqra ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta ku sheegay, in maleeshiyaad ka tirsan ciidamada Dacmu Sariic ay weerar ku qaadeen tuuladaasi todobaadkii hore, isla markaana ay gubeen xaafadda Marra oo dhanka galbeed ka xigta tuuladaasi, marka laga soo tago guryo badan oo ay ku gubeen xaafadaha Muusa iyo Abuu Bakar.