Saacadihii lasoo dhaafay suuqa weyn ee magaalada Burco ayaa waxaa ka dhacay, isku day lagu doonayay in lagu gubo gabi ahaanba suuqaas.
Illaa 3 nin ayaa lasoo warinayaa iney isku dayeen sidii ay dab u qabadsiin lahaayeen suuqa magaalada Burco, balse markii ay dadku ka war heleen ay halkaasi isaga baxsadeen.
Arrintaan ayaa sii xoojineysa hadal heynta ah in gubashada suuqyada waaweyn ee Soomaaliya ay ka dambeeyaan gacmo Shisheeye, kuwaas oo doonaya iney cuuriyaamiyaan dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed.