Warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in xayiraaddii Donald Trump madaxweynaha cusub ee Maraykanka uu kusoo rogay, taakulada arimaha dibadda ee xaga milliteriga, ay saameysay faragelinnada milliteri ee Maraykanku ka wado qaar kamid wadamada caalamka Islaamka oo ay Soomaaliya kamid tahay.
Sida ay ku waramayaan saraakiisha Ameerikaanka ee la hadlay wargeyska Washington Post, xayiraadda uu soo rogay madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump, waxay tilmaameen iney saameyn ku yeelaneyso danaha Maraykanka, ayna suurogal tahay in amniga Maraykanka iyo xulafadiisa caalamka ay halis galaan, sida ay warka u dhigeen.
Mid kamid ah meelaha laga dareemay saameynta ka dhalatay xannibaadda uu Trump saaray dhaqaalaha uu Maraykanku ku bixinayay duullaannadiisa dibadda, waa qaaradda Afrika si gaar ah dalka Soomaaliya, oo uu Maraykanku kaga jiro dagaal milliteri oo uu ku diidanyahay in dalka laga hirgeliyo nidaam Islaami ah, oo ku dhaqma Shareecada Islaamka.
Saraakiisha Ameerikaanka ee la hadlay wargeyska Washington Post waxay tilmaameen, in isbedel uu kuyimid dagaalkii ay kula jireen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka socday Soomaaliya, ciidamadii daacadda u ahaa danaha Maraykanka ee Danab-na ay faarujiyeen xeryihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay waayeen raashiin iyo sahay ciidan.
Waxay Saraakiisha Maraykanku tilmaameen in ugu yaraan 400 oo askari oo Soomaali ah, oo kamid ahaa ciidankii Maraykanku tababaray ay ka tageen xeryihiin ay ku sugnaayeen, iyadoo sidoo kale ay saldhigyadaasi soo banneeyeen qandaraaslayaashii halkaasi ka howlgalayay, ee wasaaradda Dagaalka Maraykanka u qaabilsanaa tababaridda askarta Soomaalida.
Soomaaliya oo keliya maahan meelaha laga dareemay saameynta ka dhalatay xannibaadii uu Trump kusoo rogay dhaqaalaha ku baxa duullaannada arimaha dibadda, waxay saraakiisha Ameerikaanka ee la hadlay wargeyska Washington Post sheegeen, iney hoos u dhaceen howlgalladii ay ka wadeen wuqooyiga Qaaradda Afrika ee ka dhanka ah Mujaahidiinta Al-Qaacida.
Markii uu Donald Trump madaxweynaha cusub ee Maraykanka ku fadhiistay kursiga Aqalka cad, wuxuu saxiixay qaraar xannibaya dhaqaalaha Maraykanka uga baxa duullaannada dibadda marka laga reebo Masar iyo Maamulka Yahuudda, iyadoo dib u eegistaas ay soconeyso muda ku siman 90 maalmood.