Maalintii shalay waxaa magaalaada Hargeysa oo ah xarunta maamulka la baxay Soomaaliland lagu gowracay, mid kamid ah saraakiisha boliska ee maamulkaas.
Gaashaanle Cabdi Cali Nuur oo ahaa Taliyihii maamulka la baxay Soomaaliland ugu magacawnaa Saldhigga degmada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, ayuu askari katirsan kuwa ka howlgala saldhiggaas shalay mindi ku dilay sarkaalkaan.
Khaaf soo u dhexeeyay sarkaalka la dilay iyo askariga ayaa ugu dambeyn sababay in gaashaanle Cabdi Cali Nuur mindi nafta lagu dhaafiyo.
Talisa Boliska ee maamulka la baxay Soomaaliland oo war kasoo saaray dilka sarkaalkaan ayaa ka tacsiyeeyay falkaan, waxayna sheegeen iney gacanta ku hayaan askariga dilka geystay.