Dowladda Turkiga ayaa marti gelineysa kulan dhexmaraya Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Itoobiya, kaasoo looga arrinsanayo sidii Adis Ababa loo siin lahaa badda Soomaaliya oo ay boqollaal sano hiigsaneysay.
Wasaaradda arimaha dibadda Turkiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay iney Ankara marti gelineyso, wadahadallo xaga farsamada ah oo dhexmaraya Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, kuwaasoo lagu wado iney kasoo baxaan heshiis buuxa oo Itoobiya ku qaadaneyso badda Soomaaliya.
Shirkan oo wada xaajoodyadii bishii December ee sanadkii hore dhexmaray Itoobiya iyo Dowladda Federaalka u bedelaya heshiis rasmi ah, ayaa waxaa Itoobiya ku matalaya wasiirkeeda arimaha dibadda Gedion Timothewos, halka Dowladda Federaalkana uu matalayo wasiiru dowlaha arimaha dibadda ninka lagu magacaabo Cali Balcad.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Ordogan ayaa horey u dhex-dhexaadiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona ay ka heshiiyeen mad-madowgii soo kala dhexgalay markii uu Abiy Axmed uu la saxiixday Muuse Biixi is-afgaradkii MoU-ga.
Arinta la yaabka leh waxay tahay in Dowladda Federaalka ay horey u sheegeysay inaaney Itoobiya la kulmi doonin inta ay ka laabaneyso heshiiskii ay la gashey maamulka labaxay Soomaaliland, laakiin waxaa Adis Ababab la siiyay badda Soomaaliya iyadoo aan ka tanaazulin heshiiskaas, sidoo kalena sheegin iney ixtiraameyso madaxbanaanida Soomaaliya.
Iyadoo qeyb qeyb ka ah qabashada badda Soomaaliya ayay dhawaan ciidamada Itoobiya ee loo diyaariyay qabsashada badda Soomaaliya, waxay dhoollatus milliteri kusoo bandhigeen haro biyoodyada waaweyn ee ku yaala dalka Itoobiya, waxaana kulamada Ankara ka socda laga yaabaa iney kasoo baxaan in Itoobiya la siiyo badda Soomaaliya.
Aqoonyahanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa horey uga digay arintan, iyagoo tilmaamay in Itoobiya aaney dooneynin marin biyood ganacsi, balse waxay dooneyso tahay qaadashada badda Soomaaliya sidaba ay horey u cadeeyeen madaxdeeda, waxaana umadda Soomaaliyeed hortaallo taxaddi ah iney indhaha ka daawan doonaan baddooda oo la qaadanayo ama iney iska difaaci doonaan.