Maalintii shalay dowladda Bakistaan ayaa ku dhawaaqday in 4 kamid ah askarteed habeenkii Taaladada lagu dilay, weerar ka dhacay mandiqadda Koraam ee dhacda Waqooyi Galbeed dalkaasi.
Askartan oo qaar kale ay dhaawacyo uga noqdeen weerarkan dhabbagalka ah, ayaa ugurmanayay gaadiid ay la socdeen askar katirsan ciidanka Bakistaan oo wadada loo galay galabnimadii Isniinta, lagana dilay darawalkii gaariga kaxeynayay iyo sarkaal katirsanaa laamaha amaanka ee xukuumadda Islaamabad.
Mandiqadda Koraam ee weeraradan ay ka dhaceen, waxay ku taalla gobolka Kheybar Bakhtuun Khawa oo Waqooyiga dalka Bakistaan.
Mandiqaddan ayaa marti gelisay weeraro kala duwan oo tiro dhowr jeer ah lagu laayay askar badan oo katirsan xukuumadda Bakistaan.