Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsKadib Dhuumashadii Xamiidti Yaa Hogaaminaya Kooxda RSF?

Kadib Dhuumashadii Xamiidti Yaa Hogaaminaya Kooxda RSF?[WARBIXIN]

Wargeyska Wall Street Journal ayaa daaha ka qaaday todobaadkii hore in Taliyihii Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee Suudan, Maxamed Xamdaan Doqlo laga waayay goobtii uu ka hawlgalayay bilihii ugu dambeeyay, taas oo dhalisay caro wayn oo ka caraysiisay askartiisa, iyo dhamaan taageerayaashiisa.

Ka maqnaanshiyaha Hemeti ee caasimadda Khartoum, ayaa dhalinaysa su’aalo dhowr ah oo ku saabsan cidda hoggaanka u haysa xooggaga dagaalka kula jira ciidamada Suudan tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkii 2023-ka.

Hoggaanka Ciidanka Taageerada Degdegga ah ayaa ka kooban Maxamed Xamdaan Doqlo oo loo yaqaan “Hemedti” oo ah Taliyaha koowaad, walaalkiisa Abdel Rahim Hamdan Doqlo oo ah Taliyaha labaad, iyo Essam Fadil oo isna ah Taliyaha saddexaad ee xooggaga, waxaana ku xiga Taliyeyaasha Ciidamada, Sirdoonka, Sahayda, iyadoo ay kasii hooseeyaan, Taliyeyaasha masuulka ka ah Qeybaha ay ka taliyaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah.

Hogaamiyahan ayaa kasoo muuqan jiray fagaarayaasha, hasa ahaatee dhawanahan dambe intii uu sii xoogaystay dagaalku wuxuu inta badan fariimaha kusoo diri jiray muuqaalo uu iskagasoo duubo xafiiskiisa, kuwaas oo aan ka badnayn dhawr daqiiqo.

Halkaan ka Degso Warbixinta Xameeti

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.