Waxaa goordhow la baahiyay sawirro laga soo qaaday deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay caawa ku hooyanayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sawirrada waxaa lagu arkayaa dadka deegaanka oo si diiran usoo dhaweynaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Mujaahidiinta ay ku roondeynayaan gudaha magaalada iyo duleedkeeda.