Dr Mukhtaar oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in dowladda Turkiga ay boob ku heyso badda Soomaaliya, Dowladda Federaalka ee heshiska u saxiixdana aaney wax xog ah ka heynin shaqooyinka ay Dowladda Turkiga ka wadato Xeebaha Soomaaliya.
WUxuu tilmaamay in nin Turki ah oo u dhaqma sida Gabrihii Itoobiyaanka ahaa oo kale uu ku suganyahay magaalada Muqdisho, wixii uu doonana sameysto, isagoo intaa ku daray in safaarada Turkiga ee Muqdisho ay dacalka ku heyso xeebta, habeenkiina ay usoo nasiino doontaan ciidamada Turkiga ee xeebta degan, taasina ay tahay arin khalad ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay Dr Mukhtaar in dowladda Turkiga ay boobeyso kheyraadka kala duwan ee kujira badda, uuna xog ku hayo in magaalooyinka Turkiga meel la kala geeyo la la’yahay kalluunkii ay caanka ku ahaayeen dadka Soomaaliyeed ee laga helo xeebaha Soomaaliya oo keliya.