Maamulka ay Dowladda Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa awaamiir adag kusoo rogay dadka dhisanaya guryaha ee ku dhaqan magaalada Jigjiga.
Iyadoo horay ay dadka ku dhaqan magaalada Jigjiga ula daalaa dhacayeen dhibaatooyin isugu jira dil iyo xarig ay oo ay kala kulmayeen maamulka ay xabashida kaa dhisatay magaaladaas, ayaa waxaa haddana lasoo warinayaa in awaamiir cusub lagu soo rogay bulshada.
Dadka guryaha dhisanaya ayaa waxa uu maamulka ay Xabashidu ka dhisatay Jigjiga kusoo rogay ineysan guryaha marin karin rinji aan ahayn mid maamulku ay qorsheeyeen.
Waxa ay sidoo kale ku hanjabeen iney jiraan awaamiir kale oo dhibaato ku ah bulshada kuwaas oo ay soo rogi doonaan, sida uu sheegay Khadar Budul Ismaaciil oo ah maayir ku xigeenka magaalada Jigjiga ee ay gumeysato Xabashida Itoobiya.