Channel-ka Fox News eel aga leeyahay dalka Mareykanka oo soo xiganaya mas’uuliyiin sarsare oo katirsan wasaaradda dagaalka ee Mareykanka, ayaa sheegay in in kooxda Xuuthiyiinta ay markii ugu horreysay sawaariikh ay dhulka ka geneen ku tuureen, diyaaradda dagaalka ee F-16 oo ay leedahay dowladda Mareykanka.
Saraakiishan sarsare ee Ameerikaan ah ayaa sheegay, in gentaalladu aysan diyaaraddan oo dul heehaabeysay hawada sare ee badda Cas.
Isla xilliga ay Xuuthiyiintu diyaaradda F-16 weerareen, waxay dhanka kale gentaal ku tuureen, diyaarad Dornes Mareykanku leeyahay oo nooceedu lagu sheegay MQ9, xukuumadda Washington ayaa arrintan aad uga argagaxday, iyadoo ay lama filaan ku noqdeen waxa dhacay.
Isku daygan Xuuthiyiintu sameeyeen wuxuu dowladda Mareykanka ku dhaliyay iney dib u eegis ku sameeyaan ciidankooda halkaaso jooga, maadaama ay la kulmeen wax ugub ku ah.