Tuesday, March 4, 2025
HomeWarka DibaddaMaxay Tahay Macaadinta Qaaliga ah ee ku Jirta Ukraine oo Mareykanku Gorgortanka...

Maxay Tahay Macaadinta Qaaliga ah ee ku Jirta Ukraine oo Mareykanku Gorgortanka Ugu Jiro.[Warbixin]

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay, in Maraykanku uu ku dhow yahay inuu heshiis la saxiixdo Ukraine, halka wargayska Wall Street Journal uu soo xigtay ilo-wareedyo sheegaya, in Mareykanka iyo Ukraine laga yaabo inay wada saxiixdaan heshiis ku saabsan macdanta.

Dhankiisa, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay bartiisa ku yiri, “Waxaan Mareykanka kala shaqaynaynaa heshiisyo qabyo ah oo looga wada hadlayo macdanta, kuwaas oo aan rajeynayo inaan ka gaarno natiijo wanaagsan.”

Zelensky waxa uu diiday isku daygii ugu horeeyay ee uu Maraykanku ku doonayey in uu isagu maamusho macdanta muhiimka ah ee dalkiisa, isagoo Ukraine siinaya dhaqaale lagu xoojinayo  kaalmada milatari iyo dagaalada adag ee ay kula jirto dawladda Ruushka.

Saddex ilo oo xog-ogaal ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters, in Maraykanku uu soo jeediyay la wareegida boqolkiiba 50% macdanta muhiimka ah ee Ukraine, waxaana fikradaas durbadiiba kasoo hor jeestay madaxwaynaha dalkaas ee Zelensky, isagoo sheegay in soo jeedintaas aysan wax faa’ido ah ugu jirin Kiev.

Halkan ka Degso Warbixinta oo Dhameestiran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.