Wednesday, March 5, 2025
HomeAll NewsFaafaahin Laga Helayo Dagaalkii Maanta ka Dhacay Deegaanka Cadaan-Laxeey.

Faafaahin Laga Helayo Dagaalkii Maanta ka Dhacay Deegaanka Cadaan-Laxeey.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Cadaan Laxeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas o ay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Inta la xaqqiijiyay waxaa dagaalka lagu dilay  4 askari  oo katirsan Dowladda Federaalka, halka lagu dhaawacay 3 kale. Sidoo kale waxaa dagaalka lagu soo qabtay labo askari, kuwaasoo iyagoo nool ay gacanta ku hayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weli waxaa gobolka Shabeellaha Dhexe ka socda howlgallo ballaaran oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo la wareegay deegaanno muhiim ah oo katirsan gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.