Waxaa isa soo taraya xildhibaannada katirsan Dowladda Fedaraalka ee qiraya in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegtay dhul baaxad leh oo katirsan gobalka Sh-dhexe.
Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay howlgallo ballaaaran ka dhaceen qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe, ciidamada Dowladda Fedaraalkana laga qabsaday deegaanno dhowr ah, ayaa waxaa isa soo taraya xildhibaannada qeyla dhaanta ka muujinaya arrintaaas.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo kamid ah baarlamaanka Dowladda Fedaraalka oo ka hadlayay arrintaas, ayaa waxa uu u sababeeyay iney timid kadib markii uu maamulka la baxay Hirshabeelle ku fashilmay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxa uu intaa ku daray in maamulka la baxay Hirshabeelle uu dhan waliba ka faashilmay, uuna difaacan waayay halka kaliyaa ee uu maamulkaasi ka tilayo oo ah Sh-dhexe sida uu hadalka u dhigay.
Halkaan ka Degso Warka Xildhibaanka