Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsHanti Kabadan Nus Milyan Doollar oo ku Gubatay Dab ka kacay Suuq...

Hanti Kabadan Nus Milyan Doollar oo ku Gubatay Dab ka kacay Suuq ku Yaala Marooko.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dalka Marooko ka dhacday musiibo ku habsatay dadka ku nool magaalada Danjah ee wadankaasi, kadib markii uu basbeelay suuqii magaaladaasi.

Boqolaal ganacsato ah ayaa ku hanti beelay halkaasi, waxaana hantida ku gubtay suuqa lagu sheegay lacag ka badan 500 Malyan oo Santiimuun oo lacagta dalkaasi laga isticmaalo ah, una dhiganta 504,607$[shan boqol iyo afar kun lix boqol iyo todobod Doollar]

Boqolaal goobo ganacsi ah ayaa halkaasi ka gubtay, 90% suuqu waxaa saameeyay dabka, xarumaha ganacsiga ee halkaasi ku yiillay qaarkood ayaana waxaa ku jirtay hanti dadkii iska lahaa ay sheegeen iney udhaxeysay 65 illaa 70 Malyan santiimuun.

Ganacsatadu waxay sheegtay in gaadiidka dab damisku uu kasoo daahay, dabkan ayeyn demintiisu qaadatay waqti dheer.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.