Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsKooxda RSF oo Sheegtay iney Dhulka soo Dhigtay Diyaarad Milliteri.

Kooxda RSF oo Sheegtay iney Dhulka soo Dhigtay Diyaarad Milliteri.

Lataliyaha hoogamiyaha RSF nin lagu magacaabo Cizzu-Diin As-Saafi, ayaa war uu kusoo qoray bartiisa X ku sheegay, iney soo rideen diyaarad ay leeyihiin ciidanka Suudaan.

Diyaaraddan oo ah mid Millateri ayuu sheegay iney kusoo dhacday magaalada Niyaala ee gobolka Daar-Fuur oo dhaca Galbeedka Wadanka Suudaan.

Wuxuu askarta Suudaan ku eedeeyay iney beegsanayeen dad shacab ah sida uu hadalkiisa udhigay, mana helin ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya warka uu ka dhawaajiyay.

Kooxda RSF ayaa maalmihii udambeeyay ku jabtay meydaanka Dagaalka waxayna markan ku howlantahay iney Suudaan dhinaceeda ka maamusho, xukuumad ka madax banaan tan hadda dhisan ee Millaterigu  hogaanka uhayo, arrintaasi oo ay ka shaqeynayaan shisheeyaha kusoo duulay Caalamka Islaamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.