Waxaa la helayaa xogo la xiriira khasaaraha Dowladda Federaalka ku gaaray dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Aboorrey, kaasoo dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan askar iyo saraakiil isugu jirta.
Saraakiisha lagu dilay dagaalkii Aboorrey waxaa kamid ah Shariif Cabdi Cadoow, oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugnaa deegaanka, sidoo kalena hagayay diyaaradaha Dronesta ee duqeymaha ka fuliya aagga Beerayabaal.
Waxaa sidoo kale saraakiisha ku dhaawacmey dagaalkii Aboorrey kamid ah Muumin Eelaay, oo ah gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale Taliye ku xigeenkii hore ee Boliska gobalka Banaadir Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahad, ayaa waxa uu kamid noqday saraakiishii lagu dhaawacay weeearkii Aboorey.
Inkabadan 50 askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu dilay weerarkii saaka ka dhacay deegaanka Aboorrey, waxaana weerarkan uu kusoo aadaya iyadoo dhawaan dagaallo saf ballaaran ah ka dheceen qeybo kamid ah gobolka Shabeelllaha Dhexe.