Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsArday Waxbarashada Loog Eryay Taageerada Muslimiinta Qazza Awgeed.

Arday Waxbarashada Loog Eryay Taageerada Muslimiinta Qazza Awgeed.

Jaamacadda Colombia ee dalka Maraykanka ayaa waxbarashada ka joojisay, qaar kamid ah ardeyda jaamacadda, kuwaasoo ka qeybgalay banaanbaxyo lagu taageerayay muslimiinta Qazza oo ka dhacay gudaha Maraykanka.

Ardeyda Jaamacadda laga saaray ayaa tiradoodu waxay gaareysaa illaa labo arday, waxaana ay dhiganayeen kulliyadda Barnard ee jaamacadda Colombia.

Koox ay ku mideysanyihiin ardeyda jaamacadda Colombia ee abaabuleysay dibadbaxyada lagu taageerayo Qazza ayaa sheegay, in go’aanka kasoo baxay Jaamacadda uu yahay go’aankii ugu horeeyay oo noocan ah, oo Qazza darteed waxbarashada looga joojiyo ardey dhiganeysay Jaamacadda.

Inkastoo Reer galbeedku ku doodaan waxay ugu yeeraan xuquuqda Aadanaha, hadana waxaa agtooda dembi ka ah in qofku muujiyo afkaaro ka hor imaanaya siyaasadda arimaha dibadda Maraykanka, waxaana cadaadis xoogan dareemaya Muslimiinta Qazza iyo dadka damiir ahaan kasoo horjeeda xadgudubka Yahuudda ee Muslimiinta Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.