Tan iyo markii uu soo shaac baxay dhaqdhaqaaqa M-23 horraanta sanadkii 2010-ka, bariga dalka Koongo waxaa ka dhacayay iskahorimaadyo hubaysan oo udhexeeya awoodaha ku loolamaya talada dalkaas, kuwaas oo ay qayb ka yihiin dalal shisheeye.
Xooggaga M-23 ayaa kordhiyay awoodooda militari, waxayna ka faa’idaysnayeen taagdarida xukuumada Kinshaasa, ayagoo doonaya inay isku balaariyaan dhul hor leh oo ka tirsan dalkaas. Dagaaladan adag ee ay la galeen dawladda ayaana sababay xaalado bini’aadantinimo oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyadaba.
In kasta oo ay dagaaladani ka dhacayaan gudaha dalkaas, hadana waxaa jirta cabsi laga qabo in rabshaduhu ay ku fidaan gobalka, taas oo ay sabab u tahay faragalinta shisheeye ee ka dhex muuqata colaada ka aloosan bariga Koongo.
Warbixintan ayaa muujinaysa dhowr arrimood oo suuragal ka dhigaya in colaadu kusii fido gobolka oo dhan:
Arinta koowaad ayaa noqonaysa taagdarida awoodeed ee dawladda Koongo, taas oo jaanis u siinaysa maleeshiyaadka M-23, inay balaariyaan weerarada ay ku qabsanayaan magaalooyinka muhiimka u ah isu socodka dalka.
Sababta Labaad ee keeni karta in uu dagaalku ku fido dawladaha dariska ayaa ah Faragelinta dibadeed ee dawladaha Rwanda iyo Uganda, kuwaas oo lagu eedeeyay inay taageeraan maleeshiyaadka M-23, si ay u gaaraan dano istiraatijiyadeed iyo kuwo dhaqaale oo ku xiran kheyraadka dabiiciga ah ee uu dalkaasi hodanka ku yahay.
Qodobka Sadexaad ayaa noqonaya tahriibinta hubka tiro beelka ah ee dalkaas lagu daabulayo, kaas oo qayb wayn ka qaadanaya sii hurinta colaada Labada dhinac, waxayna sabab u noqon kartaa in uu dagaalku kusii fido gobalka oo dhan.
Arinta Afraad ee ugu dambaysa ayaa ah khayraadka dabiiciga ah ee dalkaas ceegaaga. Macdanta qaaliga ah ee dalkan lagasoo saaro ayaana gobolka ka dhigaysa mid bartilmaameed u ah tartan caalamiga ah oo dhex maraya dawaldaha gobalka.
Sababahan oo ay weheliyaan kala duwanaashaha qowmiyadeed ee dalkaas ka jira ayaa caqabad weyn ku ah xasilloonida gobolka, iyadoo ay siyaasiyiinta dalkaasi ku baaqayaan in la sameeyo dadaallo dublamaasiyadeed oo degdeg ah oo looga hortago, in dhibaatadu ay isu beddesho colaad heer gobol ah oo saamaysa xasilloonida gobolka.