Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta ayaa maanta waxa ay weerar kamiin ah la beegsadeen, askar katirsan kuwa Dowladda Fedaraalka oo dhaqdhaaqyo ka waday qeybo kamid ah gobalka Bakool.
Ciidanka la beegsaday oo gaadiid watay islamarkaana dhaqdhaaqyo ka waday qeybo kamid ah gobalka Bakool, ayaa waxaa weerar kamiin ah lagula beegsaday duleedka degmada Xudur ee gobalkaas.
Ugu yaraan 14 askari oo katirsan ciidanka ayaa lagu dilay weerarka kamiinka ah, kuwaas oo uu ku jiray nin sarkaal ah.
Sidoo kale waxaa weerarkaasi lagu dhaawacay 14 askari oo kale, kuwaas oo uu iyagana kamid ahaa sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka.
Waxaa intaa dheer oo weerarka kamiinka ah lagu gubay, gaari Cabdi-Bile ah oo uu ku rakibnaa qori Dhashiike ah, kaas oo gabi ahaanba basbeelay.