Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo maanta kadeed adag loo marsiiyay, booqashada uu Abiy ku yimid caasimadda, waxaana dad badan ay aad uga caroodeen in Itoobiya oo horay uu Xasan u sheegtay inuu cadow u arko maanta lagu soo dhaweeyo Muqdisho.