Haween hooyooyin ah oo kunool magaalada Burco islamarkaana isxilqmaaya, ayaa qeybiyay ugu yaraan shan kun oo kitaabka Quraanka kariimka ah, kuwaasoo ay ugu talogaleen in dadku ay ka faaideystaan.
Kutubtan ayaa isuga jira kuwa cusub, iyo kuwa duugoobay balse ay iyagu dib u dayactireen, si aaney masaxaaifta Quraanka ah u baabi’in.
Waxay kutubta Quraanka geeynayaan masaajidda, goobaha lagu barto Quraanka kariimka iyo cid weliba oo u baahan, sida ay u sheegeen warbaahinta.