Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay ka fuliyeen, wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kaasoo lagu dilay ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.
Weerarka dhabogalka ah waxa uu si gaar ah kaga dhacay, deegaanka Hareeri Caadle oo kala qeybiya Muqdisho iyo Balcad, waxaana weerarka lagu beegsaday ciidamo saarnaa gaadiidka nooca mootada.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka lagu dilay 3 askari oo saarnaa mootada, waxaana laga furtay qoriyaashii ay ku hubeysnaayeen, iyo mootadii ay saarnaayeen.
Waxay muujineysaa dardar horleh oo uu galay howlgalka ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan, gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen dagaallo waaweyn.