Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsDhaawacyada Saraakiishii Maamulka Koonfur-galbeed oo Laga Dajiyay Muqdisho.

Dhaawacyada Saraakiishii Maamulka Koonfur-galbeed oo Laga Dajiyay Muqdisho.[DHAGEYSO]

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda qaar kamid ah saraakiishii iyo askartii maamulka la baxay Koonfur-galbeed looga dhaawacay weerar ka dhacay gobalka Bakool.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dajiyay 15 isugu jira saraakiil iyo askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed, kuwaas oo markii xaaladooda wax laga qaban waayay la geeyay magaaladaas.

Askarta iyo saraakiisha oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, ayaa waxaa lasoo warinayaa in qaarkood ay xaaladoodu culus tahay.

C/Casiis laftagareen oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa horay u xaqiijiyay, in saraakiil iyo saraakiil xigeenno ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka ka dhacay duleedka Xudur.

Halkaan ka Degso Warka Dhaawacyada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.