Ciidamada Yahuudda oo tan iyo intii la riday nidaamkii Nuseyriga ee Bashaar Al-Asad aan Suuriya xad gudubyada ka deyn, ayaa markanna billaabay iney qaadan tallaabooyin cusub oo muujinaya hadafka ay leeyihiin oo ah iney dadka wadankaasi gumeystaan.
Dhawaan askar katirsan kuwa Yahuudda ayaa mar kale gudaha ugalay, deegaano kala duwan oo dhaca Koonfurta Suuriya, iyagoo ku andacoonaya iney sugayaan amniga Yahuudda degan dhulka ay xoogga ku hasytaan ee dhaca dhanka xad beenaadka udhaxeeya iyaga iyo Suuriya.
Askarta maamulka Yahuudda ayaa xoog kusoo galay iyagoo hubeysan islamarkaana wata gaadiidkooda dagaalka, inata udhaxeysa tuulooyinka Jumlah iyo Saysuuna ee katirsan mandiqadda Xawd Al-Yarmuuk ee ku taalla baadiyaha galbeed ee gobolka Darca oo dhaca Koonfurta wadankaasi.
Kadib markii ay halkaasi tageen askarta Yahuudda, waxay billaabeen iney jid gooyo dhigtaan bartamaha waadiga Ar-Ruqaad ee dhaca Waqooyiga tuulada Jumlah, waxayna markii ay halkaas imaanayeen soo mareen waddo kasoo baxda buuraha Al-Jowlaan ee katirsan dalka Suuriya oo ay xoogga ku haystaan, iyagoo soo gaaray Waqooyiga tuuladan.
Yahuudda ayaa markii ay sidan gudaha ugu galaan Suuriya waxay ku kacaan gabood fallo ka dhan ah shacabka ku nool halkaasi, waxayna qaraxyo ku xiraan dhufeysyada Millateri ee ku yaalla halkaasi, iyagoo sido kale rayadka rasaas oodda uga qaada.