Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsMas’uul Katirsan Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Gobolka Sacda ee Dalka Yaman.

Mas’uul Katirsan Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Gobolka Sacda ee Dalka Yaman.

Dilkan ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saakay, waxaana ka dambeeyay malleeshiyaad kamid ah kooxda Xuuthiyiinta, oo rasaas ay ku fureen ku dilay Mas’uulkii Warbaahinta Kooxdan ee gobolka Sacda, iyo wariyihii kasoo warramijiray Channel-ka Yaman ee Xuuthiyiinta.

Ninkan la dilay ayaa lagu magacaabijiray Ciise Caadhif, wuxuu dilkiisu ka dhashay khilaaf ka dhashay muran dhulkeed oo soo kala dhexgalay qoyskiisa iyo qaar kamid ah malleeshiyada Shiicda ah.

Rasaas ay oodda ka qaadeen oo ay rabeen iney dadka ku kala eryaan ayaa la sheegay iney ninkan gallaaftay islamarkaana si deg deg ah uu udhintay, meydkiisa ayaana waxaa loo qaaday isbitaalka.

Falka lagu dilay ninkan ayaa ka dhacay, degmada Saxaar ee gobolka Sacda oo galbeedka caasimadda Sancaa’.

Dhulboob xooggan ayey saraakiisha Xuuthiyiintu ka wadaan gudaha Yaman magaalooyinka ay ka joogaan, wuxuuna marayaa heer qofkii ka murma nafta loo dhaafiyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.