Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsWarbixin: Maraykanka oo Jaranaya Lacagtii uu ku Bixinjiray Tamarta Afrika. .

Warbixin: Maraykanka oo Jaranaya Lacagtii uu ku Bixinjiray Tamarta Afrika. [Dhagayso].

Go’aan muran badan dhaliyay ayuu maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku go’aamiyay in lagu soo afjaro hindisaha Korantada Africa, kaasi oo looga gol lahaa in lagu horumariyo tamarta Afrika. Go’aankan ayaa waxaa ka soo baxay falcelinno kala duwan, gaar ahaan dowladaha Afrika iyo shirkadaha caalamiga ah ee maalgelinaya mashaariicda kaabayaasha tamarta ee qaaradda.

Hindisaha Korontada Afrika ayaa la bilaabay sanadkii 2013-kii, xiligaasi oo uu Mareykanka maamulayay Brack Obama, iyadoo ujeedadu ahayd, in la ballaariyo xarkaha korontada ee dalalka Afrika oo ay ka jirto tamar yari daran.

Hindisahani waxa uu taageero ka helay hay’ado maaliyadeed oo waaweyn, sida waxa loogu yeero Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah.

Qorshahan ayaa ujeedadiisu ahayd, in koronto la siiyo ku dhawaad ​​60 milyan oo guri iyo gooba ganacsi oo ku yaalla Afrika, iyadoo diiradda la saarayo ilaha tamarta la cusboonaysiin karo sida qoraxda iyo dabaysha, iyo sidoo kale in hagaajin lagu sameeyo waxtarka kaabayaasha jira.

Tirakoobku waxa uu tilmaamayaa, in illaa 600 oo milyan oo qof oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya aysan weli haysanin koronto, taasoo caqabad ku ah horumarka dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidaa darteed, barnaamijka Korontada Afrika ayaa loo arkayay in uu tiir muhiim ah u yahay dadaallada Mareykanka ee lagu horumarinayo horumarka waara ee qaaradda, iyo sidoo kale beddel la isku halayn karo oo looga maarmi karo maalgashiga sii kordhaya ee Shiinaha ee dhanka kaabayaasha.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Bloomberg, go’aanka Trump ayaa ah qeyb ka mid ah istaraatiijiyad dib loogu hagayo mudnaanta kharashaadka Mareykanka, maadaama uu u arkay in Mareykanka uusan ku qasbaneyn inuu maalgeliyo mashaariic horumarineed oo dibadda ah.

Habkani wuxuu waafaqsan yahay siyaasadda “America First”, taas oo diiradda saareysa dhimista faragelinta shisheeye iyo dhimista kharashka dawladda ee mashaariicda caalamiga ah.

Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa sheegay, in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaas ay rumeysan yihiin in hindisahaasi uusan si degdeg ah ku gaarin natiijooyinkii la rabay, sababo la xiriira caqabado dhanka shaqada ah iyo kuwo siyaasadeed oo ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Halkan kala deg Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.