Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsKadib Booqashadii Abiy Axmed ee Muqdisho Ereteria & Masar oo Yeeshay Kulan...

Kadib Booqashadii Abiy Axmed ee Muqdisho Ereteria & Masar oo Yeeshay Kulan Degdeg ah.[DHAGEYSO]

Dowladaha Ereteria iyo Masar ayaa yeeshey Kulan deg-deg ah, kadib booqashadii uu Abiy Axmed dhawaan ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda dalka Masar ninka lagu magacaabo Badar Cabdil Caadhi ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretria, halkaas oo uu kulamo kula yeeshey masuuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha dalkaas Sias Afwerki.

Yemane Gebremeskel oo ah wasiirka macluumaatka ee dalka Ereteria ayaa tilmaamay, in kulanka ay yeesheen wafdiga ka socda dalka Masar iyo madaxweynaha dalkaas Sias Afwerki, uu qeyb ka yahay wadatashiyada caalamiga ah ee dhexmara dalalka dan wadaagga ah.

Arimaha ay labada dhinac ka wada hadleen waxaa kamid ah xiisadaha ka taagan mandiqadda Geeska Afrika iyo badda Cas, laakiin lama sheegin waxay iska yiraahdeen qodobadan, iyo qaabka labada dal ay isaga kaashan karaan ama go’aan mid ah uga yeelan karaan xaaladda gobolka.

Wakaaladda wararka ee Eretria oo soo xiganeysa wasiirka Macluumaadka ee dalkaas ayaa sheegtay, in wasiirka arimaha dibadda Masar iyo madaxweynaha Eretria ay si gaar ah uga wada hadleen xaaladda amni ee gobolka, iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa mandiqadda.

Waxay sidoo kale isla soo hadal qaadeen labada dhinac xaaladda wadanka Suudaan, iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadda dalkaas ka taagan, iyadoo wakaaladda wararka ee Ereteria ay sidoo kale sheegtay in kulanka looga hadlay dowlad dhiska Soomaaliya, sida warka loo dhigay.

Booqashada Wasiirka arimaha dibadda Masar uu kutagay dalka Eretria, ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho uu soo gaaray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana muuqata in Masar iyo Eretria aysan ku qanacsaneyn isku soo dhawaanshaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy, maadaama ay horey u yeesheen kulan saddex geesood ah oo ka dhan ahaa Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Kulanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.