Galabnimadii shalay kolonyo katirsan ciidamada dowladda Bakistaan ayaa qarax xooggan lala beegsaday, xilli ay ku socdaalayeen Waqooyiga gobolka Wasiiristaan ee dalkaasi.
Qaraxan ayaa sababay iney dhimasho iyo dhaawac noqdaan askar badan oo kamid ah kuwa xukuumadda Islaamabaad islamarkaana ay ka burburaan qaar kamid ah gaadiidkii ay wateen.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, illaa 8 askari oo kamid ah askarta Bakistaan ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay qaar kale, kuna burbureen labo kamid ah gaadiidkii ay wateen iyo kuwo gaashaaman.
Xukuumadda Bakistaan ayaa ku fashilantay iney sugto amniga askarteeda, waxaan mar waliba ciidankeeda lagu xasuuqaa wadooyinka iyo xerooyinka ay degan yihiin.