Iyadoo dalka Congo gaar ahaan Barigiisa ay kamid tahay meelaha ugu badan ay ee ay degan yihiin Dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi, ayaa waxay xilligan wajahayaan dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira, kuwa kuwa ay ka dhaxleen dagaallada iyo qaar kale oo horay uhaystay.
Xilligan, Muslimiinta ku nool wadanka Congo gaar ahaan Bariga oo horraanba tiradoodu aad uyareyd marka loo barbar dhigo dadka ku noo dalkaasi oo boqol Malyan ku dhow, ma ahan kuwo oogo saaladda Taraawiixda sababo la xiriiira amni darro ka jira halkaasi, maadaama colaadi halkaasi kajirto.
Marka laga hadlayo waqtigan magaalooyinka ay la wareegeen kooxda M-23 waxaa kajira amni darro baahan gaar ahaan marka la gaaro xilliyada habeenkii sidaasi darteed waxaa culimada Muslimiinta ee ku nool dalkaasi fatwoodeen in dadka ka fog masaajiadda goobaha ay joogaan ku ogaan salaadda, halka kuwa udhow masaajidana ay jamcinayaan Maqribka iyo Cishaha, islamarkaana guryahooda ulaabanayaan kahor inta uusan habeenku muqdi ku noqon.
Dhinaca kale tirade Muslimiinta ee ku nool dalka Congo marka laga hadlayo waxaa lagu sheegaa 10 illaa 17 Malyan oo marka tirade boqolleyda la eego nisbo ahaan ka ah dalkaasi boqolkiiba 15%, halka guud ahaan dadka ku nool dalka lagu sheego iney yihiin ku dhawaad 77 Malyan.
Malaayiintan Muslimiinta ah ee dhaqan dalkaasi waxay tobanaankii sano ee udambeeyay wajahayeen arrimo ay kamid yihiin ololo tanasiir ah, faqri, jahli iyo warbaahin la’aan, taasoo sii kordhineysa dhibaatooyinka ay la kulmayaan.
Mar laga hadlayo Muslimiinta dalkaasi magaalooyinka ay ku nool yihiin waxaa kamid ah caasimadda wadankaasi ee Kinshaasa, iyo magaalooyin kale oo dhaca Bariga wadankaasi sida Goma, Bukavu, Masis iyo Makato Kasai.
Xilligan oo ay Muslimiinta ku nool Bariga Congo yihiin kuwo sooman, waxaa la nool yihiin xaalado adag, maadaama ay xiran yihiin suuqyadii ay ka adeegaan jireen dhanka kalena aysan suuragal u ahayn iney isku yimaadaan oo ay iscaawiyaan islamarkaana si wada jir ah u ogaan salaadda Taraawiixda.
Ma ahan Muslimiinta Congo oo kaliya kuwa dhibaatada dareemaya ee ku nool Dunidan guudkeeda, waxaana jira Muslimiin aad ubadan oo ku la nool xaaladaha ay ku jiraan iyo kuwa kasiii daran, waxa ugu yar ee aan u awoodnana waa inaan Alle ubarino.