Monday, March 3, 2025
HomeAll NewsDowladda Mareykanka oo Dalkeeda ku Xirtay Nin Soomaali ah.

Dowladda Mareykanka oo Dalkeeda ku Xirtay Nin Soomaali ah.[DHAGEYSO]

Dalka Mareykanka waxaa lagu xiray nin Soomaali ah, kaas oo ay xukuumadda Washington ku eedeysay, inuu taageero u muujiyay weerar gaari jiirsiin ah oo dhawaan ka dhacay gudaha Mareykanka.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa waxa ay sidoo kale ninkaan Soomaaliga ah ku eedeeyeen, inuu ku biiri rabay Jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka jira caalamka.

Cabdi-sataar Axmed Xasan oo ah 22 jir Soomaali ah ayaa kasoo muuqday maxkamadda ku taalla dalka Mareykanka, waxaana taageerada uu umuujiyay weerarka gaari jiirsiinta ah ee lagu eedeeyay lagu dilay 14 ruux.

Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in Cabdi-Sataar xabsiga lagu hayo, iyadoo aan damaanad loo ogolaanin inta la qabanayo dhageysiga xukunka xabsiga oo loo qorsheeyay 5-ta bishaan Maarso.

Bishii December ee lasoo dhaafay ayaa ninkaan Soomaaliga ah lagu eedeeyay inuu 2 jeer isku dayay safar uu ku aadayo gbalka Minnesota ee dalka Mareykanka, halkaasna uu uga sii gudbo ku biiritaanka Jamaacaadka Jihaadiga ah.

Cabdi-Sataar ayaa iska bari yeelay eedda ay usoo jeedisay Dowladda Mareykanka, waxa uuna tilmaamay inuu u socday qoyskiisa, balse waxa ay dacwad-oogayaasha Mareykanku sheegeen in uusan laheyn wax qoys ah.

Dalka Mareykanka waxaa marar badan sidaan oo kale maxkamad loogu soo taagay dad Soomaali ah iyo kuwa kalaba, kuwaas oo uu ku eedeeyay iney ku biiri rabeen Jamaacaadka Jihaadiga ah ama ay xiriir la leeyihiin, waxaana xabsiyada Mareykanka ku jira dad badan oo eedeymo nuucaan ah Mareykanku u heysto ,kuwaas oo qaarkood sanado badan kadib markii lagu waayay eedda loo jeediyay lasii daayay.

Halkaan ka Degso Warka Mareykanka

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.