Waxaa faafaahin dheeraad ah laga helayaa dagaal culus, oo saaka ka dhacay deegaan dhaca duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Boos Hareeri, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay 20 askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, halka lagu dhaawacay 23 kale.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaalka ku furtay ugu yaraan 9 qori, oo ay wateen qaar kamid ah askarta weerarka lagu laayay.