Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka ku dhexmaray gobalka Hiiraan.
Maalintii shalay waxaa magaalada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan ka dhacay, dagaal geystay khasaarooyin kala duwan oo dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii gaari uu leeyahay Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada Dowladda Fedaraalka lagu dhuftay Mooto oo uu watay Askari kale, waxaana muran kooban kadib uu xaalku isku badalay gacan ka hadal.
Inta la xaqiijiyay 1 askari ayaa lagu dilay dagaalladaan shalay dhexmaray ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ka dhacay degmada Buulo-burte, halka lagu dhaawacay 2 kale.