Hogaamiyaha maamulka la baxay koonfur-galbeed ayaa sheegay iney walaalo la yihiin Dowladda Xabashida Itoobiya uuna xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo.
Isagoo ka qeyb galayay munaasabad ay ciidamada Dowladda Xabashida Itoobiya ku qabsadeen magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, taas oo ay ku sheegeen iney ugu dabaal-dagayaan xurnimadii ay ka heleen Talyaaniga, ayuu C/Casiis Laftagareen oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur-galbeed ka jeediyay hadallo uu ku jiinayo xiriirka kala dhaxeeyo Xabashida.
Laftagareen ayaa sheegay iney walaalo la yihiin Dowladda Xabashida Itoobiya xiriir wanaagsanna uu kala dhaxeeyo, isagoo uga mahad celiyay duullaanka ay ku joogaan qeybo kamid ah goballada Soomaaliya.