Dowladda Fedaraalka ayaa billawday iney habaartanto kadib markii ay ku jabtay dagaallada ka socdo gobalka Sh-dhexe.
Waxaa isa soo taraya madaxda iyo saraakiisha katirsan Dowladda Fedaraalka ee qeylo-dhaanta ka muujinaya weerarada cusub ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe.
Yuusuf Daba-geed oo ah madaxweynaha ku xigeenka maamulka la baxay Hirshabeelle oo la hadlayay ciidamo ay dagaalgalinayeen ayaa waxa uu quus ka muujiyay dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada ayuu sheegay iney yihiin labadooda lugood iyo qabligooda, isagoona habaartamay.