Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsJabuuti & Itoobiya oo Cusbooneysiiyay Heshiiskii Ganacsiga & Dhaqaalaha ee ay Horay...

Jabuuti & Itoobiya oo Cusbooneysiiyay Heshiiskii Ganacsiga & Dhaqaalaha ee ay Horay u Galeen.

Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya oo kamid ah dalalka dhaca mandiqadda Geeska Afrika ayaa markale cusbooneysiiyay, heshiiska iskaashiga xaga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ka dhexeeya labadan dal, muda tobanaan sano ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti oo lagu magacaabo Berhanu Tsegaye ayaa magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, wuxuu kulan kula yeeshey wasiirka Maaliyadda dalkaas ninka lagu magacaabo Cismaan Ibraahim Rooble.

Wadahadallada labada masuul ayaa xooga saaray sidii loo xal loogu heli lahaa, baahiyaha ay qabaan shirkadaha Itoobiya laga leeyahay ee ka howlgala wadanka Jabuuti, kuwaasoo kaalin weyn ku leh dhaqaalaha dalka Itoobiya.

” Intii uu noo socday wadahadalka, waxaan xal ka gaarnay qodobo badan, oo horseedaya in bulshada Itoobiya ee ku sugan Jabuuti ay helaan, bii’a ku wanaagsan arimahooda ganacsiga” ayuu yiri safiirka Itoobiya ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye, qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay aaladda X.

Waxay sidoo kale madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ee kulanka yeeshey, ay isla soo hadal qaadeen caqabada heysta shirkadda diyaaradaha Itoobiya, taasoo kaalin weyn ka qaadata isku xirka ganacsi iyo safar ee labada dal, waxaana dhanka kale ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga la xiriira dhinaca Tamarta.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay Itoobiya adeegsato dekadihiisa, waxaana iskaashiga xaga dhaqaalaha ah ee ka dhexeeya lagu tilmaamaa mid xoogan, laakiin waxay hadda Itoobiya dooneysaa iney kasoo wareegto Jabuuti oo ay hesho dekado badan oo Soomaaliya ku yaala, kuwaasoo si beylah ah ay gacanta ugu gelineyso Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan ka Degso Warka Heshiiska

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.