Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsSiyaasiyiin iyo Xildhibaanno Muqdisho ku Yeeshay Kulan ka Dhan ah Laftagareen.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno Muqdisho ku Yeeshay Kulan ka Dhan ah Laftagareen.[DHAGEYSO]

Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin xilal kasoo qabtay maamulka Koonfurgalbeed iyo xilibaannada maamulkaas uga tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka, kuwaasoo kasoo horjeeda hogaaminta Cabdi Casiis Laftagareen oo ah madaxweynaha maamulka labaxay Koonfurgalbeed.

Siyaasiyiintan kulanka isugu yimid ayaa sheegay, in Dowladda Federaalka ay indhaha ka fiirsato falalka ay ku tilmaameen kuwa sharci darro ah, oo uu ku kacayo maamulka uu hogaamiyo Laftagareen, iyagoo tilmaamay in Laftagareen uu xabsiga dhigo cid weliba oo ka hor timaada siyaasadiisa, kuna sugan deegaannada uu kajiro maamulkaas.

Waxay sidoo kale kasoo horjeesteen tallaabada ay baarlamaanka maamulka Koonfurgalbeed ku yeesheen hogaan cusub, iyagoo sheegay in mudo xileedkoodii uu waa hore dhamaaday, kursigan ay si sharci darro ah ugu fadhiyaan.

Siyaasiyiinta isugu yimid kulankan ayaa waxaa kamid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfurgalbeed, gudoomiye Mursal oo horey usoo noqday gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka, iyo xillibaanno kale oo waqti xaadirkan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka.

Halkaan ka Degso Warka Mucaaradka Laftagareen

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.