Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsCalanka Maamulka Yahuuudda oo Lagu Gubay Koonfurta Suuriya.

Calanka Maamulka Yahuuudda oo Lagu Gubay Koonfurta Suuriya.

Warbaahinta Suuriya ayaa maanta oo Talaado ah tebineysa, in xalay Koonfurta Suuriya gaar ahaan magaalada As-Suweydaa’ lagu gubay calanka Yahuudda, kadib markii aargada magaalada ay ka taageen oo kooxo aan la aqoon oo muuqaal iska duubay marka ay saarayeen calanka.

Mandiqadda laga taagay calanka Yahuudda oo dhacda Waqooyiga magaalada, ayaa waxaa ku badan kooxda Duruuzta loo yaqaan ee Wathaniyiinta ah oo unisbo Sheegta Shiicda, kuwaaso ay dhawaan sheegtay Yahuuddu in haddii wax yar loo geysto ay duulaan Millateri ku qaadidoonto wadanka Suuriya.
Kadib markii baraha Intarnet-ka lagu faafiyay sawiro muujinaya calanka Yahuudda oo ka babanaya magaalada, waxaa arrintaasi kawar helay islamarkaana dhulka soo dhigay dadka Muslimiinta ah ee udhashay Suuriya, waxayna ku qabteen dab halkaasi ayuuna ku gubtay.

Kaliya ma ahan in dab lagu qabtay calanka Yahuudda, balse waxay kaamiradu soo qabtay isagoo la ihaaneysanayo islamrkaana lugaha lagula is istaagayo.

Tallaabadan ayaa lagu bogaadiyay dadka reer Suuriya, waxayna dhanka kale direysaa farriin ku socota Yahuudda, iyo inaan la ogoleyn dulmiga iyo daandaanisga ay kawaddo halkaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli Yahuuddu maalintii shalay ay duqeyn dhanka cirka ah oo aan wax naf ah ku go’in ka geysteen magaalada xeebeedka Dhardhuus ee dhacda Galbeedka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.