Xadka u dhaxeeya dalalka Kanada iyo Mareykanka ayaa horay u ahaa mid aan lahayn ilaalo ciidan, taasoo ka tarjumaysay xiriirka dhow ee ka dhaxeeyay labadan dal. Laakiin markii uu Donald Trump ku soo laabtay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo, xadkan ayaa noqday mid xiisad kacsanaan ah ka dhex abuura Labada dal ee dariska ah.
Madaxweynaha Maraykanka Donal Trump ayaa Kanada ku eedeeyay in ay u ogolaatay xadkeeda qulqulka soo galootiyo aad u badan, kuwaas oo usoo taalabaya dhanka Maraykanka, wuxuuna Trump joojinta tahriibayaashan ka dhigatay hadaf sare, isaga oo ku hanjabay in uu canshuuro ku soo rogi doono badeecadaha laga keeno Kanada.
kaddib hakinta canshuurahan muddo bil ah, Trump ayaa ku dhawaaqay in canshuurihii uu kusoo rogay Kanada uu bilaabi doono dhaqan gelintooda maanta oo Talaado ah, taas oo lagu joojinayo tahriibayaasha.
Dawladda Kanada ayadoo ka jawaabaysa canshuurahan ayay xadka ay dalkaas la wadaagto soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah, sidoo kale waxa ay xoojisay nidaamka bixinta fiisaha ku meel gaarka ah, taas oo dadka qaarkood ay u isticmaali jireen in ay kusoo galaan Kanada, kaddibna ay si sharci darro ah ugu gudbaan Maraykanka.
Maamulka dalkaas ayaa sidoo kale xoojiyay dakhliga maaliyadeed ee ciidamada uu ugu talagalay ilaalada xuduudaha, isagoo ku qarashgareeyay lacag dhan qiyaastii 900 oo Milyan oo Doollar, si loo xoojiyo amniga xuduudaha, ayagoo ciidamadan ku xoojiyay Labo helikobtar oo ah nooca Black Hawk ah iyo 60 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay ku rakiban yihiin kamarado casri ah.
Dowlada Kanada ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay, in talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen ciidamadeedu ay keentay, in ay yaraadaan dadka sida sharci darada ah ugu gudbi jiray dalka Mareykanka, taas oo wax kabadali karta xiisada ka dhex aloosan Labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee The New York Times, waxaa gudaha dalka Maraykanka ka bilowday dhaq-dhaqaaqyo ay dadka u dhashay Kanada – ee sida sharci darada ah kusoo galay Maraykanka – kaga baxayaan dalkaas, xilli Trump uu guda galay fulinta qorshihiisa masaafurinta ah.
Horraantii bishii Febraayo ee sanadkan 2025-ka, koox dad ah oo tahriibayaal ah oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 9 qof oo u badan carruur, ayaa isku dayay inay lug ku galaan gobalka Alberta ee dalka Kanada, iyagoo kasoo tallaabay xadka gobalka Montana ee Mareykanka, dadkan ayaa ka cabsi qaba inay gacanta u galaan laamaha amaanka ee Maraykanka, kadibna lagu celiyo dalalkii ay ka imaadeen.
Arintan ayaa ahayd wax aan la suuraysan Karin, kaddib markii dadkan tirada yar ee caruurta u badan ay safar lug ah kaga talaabeen xadka labadan dal, iyadoo lagu jiro bartamaha wakhtiga jiilaalka ah ee dalkaas, halka dabayaaqada sanadkii tagay ee 2024-ka gobalkan lagu qabtay Toddobo qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo ka imaaday dhanka Kanada.