Sahal Cabdullaahi Cumar oo ah taliyaha ciidamada Lugta ee Dowladda Federaalka ayaa socdaal ku tagay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna muujiyay inaanu gacanta ku heynin wax ciidamo ah oo dagaallama.
Isagoo la hadlayay malleeshiyaad taabacsan Dowladda Federaalka ayuu sheegay taliye Sahal, in loo baahanyahay in shan shan iyo toban toban loola dagaallamo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee la wareegay dhul ballaaran oo kamid ah Shabeellaha Dhexe.