Sunday, March 9, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Qiratay Iney ku Jabtay Dagaallo ka Dhacay Duleedka Ceelbaraf.

Dowladda Fedaraalka oo Qiratay Iney ku Jabtay Dagaallo ka Dhacay Duleedka Ceelbaraf.

Maalintii shalay dagaallo culus ayaa waxa ay ka dhaceen duleedka deegaanka Ceel-baraf ee gobalka Sh-dhexe, kuwaas oo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka oo weerar kusoo qaaday degmada.

Sarkaal katirsan ciidankaas ayaa waxa uu xaqiijiyay iney ku jabeen dagaalladii shalay ka dhacay duleedka Ceelbaraf, islamarkaana looga dilay 3 askari oo isugu jira maleeshiyaadka taabacsan Dowladda Fedaraalka iyo kuwa Bangaraaf ee uu Mareykanku tababartay.

Waxa uu intaa ku daray in ay mucjiso ka heysato dagaallada ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sabata ay dagaallada ugu jabayaan ayuuna ku tilmaamay iney tahay xeelad millatari.

Halkaan ka Degso Warka Qirashada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.