Hogaamiye katirsan kooxda Xuuthiyiinta islamarkaana uqaabishan amniga Ib oo katirsan dalka Yaman, ayaa qabrigiisa kasoo saaray Seyf Cali Yaxya Faadil, maalin kadib markii la duugay.
Waxay ku andacoodeen Xuuthiyiintu inaan sifo rasmi ah loogu soo wargelin duugista ninkan, arrintan ayaana kamida ah dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka shacabka ah ee ku nool goobaha ay ka maamulaan dalka Yaman.
Ehelka meydka ayaa aad uga xumaaday arrintan, waxayna sheegeen iney tahay arrintan xurmaa meydka oo meel looga dhacay.
Malleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa dhibaatada iyo kuwo kale oo ka badan ku haya shacabka ku nool deegaanada ay ka joogaan wadanka Yaman.