Toddobaadkii hore, Kenya ayaa martigelisay shirar is-daba-joog ah oo ay ku dhisayso waxa ay ugu yeertay Xukuumadda Taageerada Degdegga ah, kadib markii maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah lagala wareegay dhul baaxad leh oo katirsan gobollada kala duwan ee Suudaan.
Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa balaariyay xadgudubyadooda kadib xasuuqii Geneina oo dhacay bishii Maajo 2023-kii, si ay u fuliyaan dambiyada ay caanka ku yihiin ee isugu jira: dilka, kufsiga, burburinta iyo xatooyada, oo ay diiwaan geliyeen hay’adaha caalamiga ah, iyo in ay malaayiin Suudaaniyiin ah ka barakiciyaan gobollada Khartoum, Al-jazeera, Sennar, White Nile iyo Blue Nile, si ay guryahooda u dajiyaan marti-sharaftooda ugu timaada dalka dibaddiisa.
Ciidanka Suudaan ayaa ka argagaxay arintaan oo dib u habeeyey sufuuftooda, kadib marka ay ku soo biireen kumannaan qof oo Suudaaniyiin ah, oo ay ku jiraan dagaalyahanno markaas la abaabulay iyo kooxo hubaysan oo dhibaato badan kala kulmay Janjaweed tan iyo 2005-tii.
Ciidanka Suudaan ayaa guluf dagaal oo ay qaadeen dib kula wareegay gacan ku haynta magaalada Omdurman, waxayna xoreeyeen goballada Sennar iyo Al-jazeera iyo deegaanno ballaaran oo ka tirsan gobalka Khartoum, halkaasoo si xun loogu jabiyay ciidammada Taageerada Degdegga ah, taasoo muujinaysa awoodda xirfadeed ee ciidammada Suudaan iyo sida wanaagsan ee ay u nidaamiyeen ciidamadooda iyo qorshahooda.
Xiligaas ayaa waxaa codad hoose oo ka soo baxay hogaamiyihii siyaasadda ee ciidamada Taageerada Degdega ah ay tilmaamayeen, in lagama maarmaan tahay in la dhiso dowlad barbar socota tan Suudan oo laga yagleelo Daarfuur, halkaas oo ay ku baahsan yihiin ciidamada Taageerada Degdega ah.
Haddaba, qabanqaabada qorshahan ayaa ka gudbay afka sheegid, si loo soo dhiso dawlad barbar socota tan Al-Burhaan, taas oo xaqiijinaysa sii socoshada dagaalka iyo joogitaanka calanka ciidamada Taageerada Degdegga ah, kuwaas oo gebi ahaanba dib u gurtay, laguna jabiyay dhammaan furimiha dagaallada, iyo inta badan gobollada marka laga reebo Darfur.
Si taas loo meel mariyo waxay shisheeyaha damceen inay dawladda Suudaan dibadda ka go’doomiyaan, iyagoo si toos ah u saameeyay dalalka dariska ah, sida: Kenya, Itoobiya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Koonfurta Suudaan, marka laga soo tago dalka Chad oo noqday xarun weyn oo qalab iyo hub dibadeed loosoo marsiiyo Ciidammada Taageerada Degdegga ah.