Thursday, March 6, 2025
HomeAll NewsTurkiga oo Hakiyay Duulimaadyadii uu ka Sameyn Jiray Muqdisho Kadib Digniin Kasoo...

Turkiga oo Hakiyay Duulimaadyadii uu ka Sameyn Jiray Muqdisho Kadib Digniin Kasoo Baxday Mareykanka.

Iyadoo safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ay ka digtay weeraro waaweyn oo lagu beegsado Dowladda Federaalka iyo Shisheeyaha oo ka dhaca Muqdisho, ayaa waxaa durba la dareemayaa qalqalka lasoo dersay Shisheeyaha qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.

Shirkadda duulimaadyada Turkiga ee Turkish Airline ayaa hakisay safarradii ay ku imaan jirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sababo ku aadan digniinaha amni ee sheegaya iney dhici karaan weeraro ka dhaca gudaha garoonka diyaaradaha.

Muda todobaad ah ayay gebi ahaanba hakan doonaan duulimaadyadii ay diyaaradaha shirkadani ku imaan jireen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, go’aankan ayaana ahaa mid ay shirkaddu si degdeg ah u qaadatay, oo aan horey macaamiisheeda loogu wargelin.

Illaa iyo hadda Dowladda Federaalka wax war ah kama soo saarin digniinta amni ee kasoo baxday safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, iyo tallaabada ay shirkadda diyaaradaha Turkiga ku joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada caasimadda ah.

Arimahan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda, uu shacabka Soomaaliyeed u sheegay iney Allaah idinkii ka dulqaadi doonaan dhibaatooyinka iyo hagardaamada ay ku heyso Umadda Soomaaliyeed Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan ka Degso Warka Turkiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.