Thursday, March 6, 2025
HomeAll NewsDagaallo ka Dhacay Qeybo Kamid ah Gobalka Darca ee Dalka Suuriya.

Dagaallo ka Dhacay Qeybo Kamid ah Gobalka Darca ee Dalka Suuriya.

Dagaal aad uxooggan oo hubka culus la isku adeegsanayo ayaa tan iyo maalintii shalay magaalada As-Sanameyn ee gobolka Darca oo dhaca Koonfurta Suuriya ku dhexmaraya, ciidamada xukuumadda xilligan ka jirta Suuriya iyo qaar kamid ah malleeshiyadii nidaamkii Nuseriga ee talada laga tuuray.

Kooxda Nuseriyada ah ee ka hartay nidaamkii hore ayaa hub ku haysta mid kamid ah xaafadaha magaaladaasi oo uu dagaalku ka soconayo, waxayna dirirta haatan socota ka billaabatay weerar ay soo qaadeen kooxdan oo la sheegay iney halkaasi kula jiraan hub aay qeyb kamid ah horay ugu wareejiyeen dowladda cusub ee halkaasi laga dhigay.

Dagaalka ayaa ah mid wali soconaya waxayna ciidamada xukuumadda Suuriya gacanta ku dhigeen islamarkaana xabsiga utaxaabeen, 9 kamid ah askartan oo laga soo qabtay magaalada As-Sanameyn ee gobolka Darca.

Malleeshiyadan ka haray nidaamkii Shiicda ee burburay, laga gol roonaaday, ayaa gacanta ku dhigay hubkii ay lahayd firqada 9-aad ee ciidankii Bashaar Al-Asad, waxayna xukuumadda cusub usheegeen iney isaga soo dhiibidoonaan, halka hubka qeyb kamid ahna ay horay udhiibeen, hase ahaatee tan iyo xilligaasi ma aysan isa soo dhiibin.

Wadahallo ayaa la isku dayay in lagu dhameeyo xaaladan dagaal si loo badbaadiyo dadka shacabka ah, hase ahaatee waa ay socon waayeen, waxayna kooxdani gaashaan ka dhiganeysaa dadka rayadka ah, iyadoo aan ugoleyn iney ka fogaadaan goobtan dagaal.

Wararku waxay sheegayaan in kooxda lagu go’doomiyay xaafadda ay ku jiraan, islamarkaana lagu garaacayo hubka culus.

Qaar kamida ah malleeshiyadii Nuseyriyada oo ku haray Suuriya, ayaa wali ku dhuumaaleysanaya qeybo yar oo kamid ah wadanka, waxayna mararka qaar ku kacaan falal ka dhan ah amniga dalkaasi, maadaama ay heystaan hubkii ay la baxsadeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.