Thursday, March 6, 2025
HomeAll NewsMalleeshiyada RSF oo Duqeyn la Beegsaday Xarunta Tamarta Ummu Dabaakir ee Suudaan.

Malleeshiyada RSF oo Duqeyn la Beegsaday Xarunta Tamarta Ummu Dabaakir ee Suudaan.

Xurunta laga dhaliyo korontada ee ummu Dabaakir oo ku taalla gobolka Wilaayada An-Niil Al-Abyadh ayaa ayey malleeshiyada RSF la beegsadeen duqeyn loo adeegsaday Drones taasoo sababtay in saameynta koronto la’aanta laga dareemo dhowr gobolka oo ay xarunta adeegga tamarta siinjirtay.

Duqeymahan ku dhacay xaruntan ayaa ah kuwo soo laalaabtay tiro sedax jeer ah sida ay sheegtay dowladda Suudaan, waxayna sababeen in qeybo xarunta dab uu kaco oo ay gubtaan.

Saameyntii ka dhalatay duqeymahan ku dhacay xarunta, ayaa keenay iney lumiso wax soo saarkeedii 75%, taasoo dhalisay saameyn xooggan oo xagga korontada ah.

Xaruntan tamarta ee la duqeeyay ayaa ah mid aad uweyn oo korontada siinjirtay gobollada Al-Khurduum, Al-Jaziira, Nill Al-Abyadh iyo qeybo kamid ah gobolka Kurdufaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.