Wadanka Afqaanistaan oo ay ka jirto xukuumad ilaalineysa diinta iyo dalka, dadkeedana wax uqabneysa, ayaa wuxuu marba marka ka dambeysa sanado yar godahood ku tallaabsanayaa horumarro kala duwan, kadib markii meesha laga saaray xukuumaddii reer galbeedku wateen ee shacabka wadankaasi dhibtooyinka kala duwan ku haysay.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan, Dabiixullaahi Mujaahid, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Amiirka Imaarada Sheekh Mowlawi Hibatullaah lacagihii korontada eek aga qaadijiray looga dhaafay, masaajidda dalkaasi iyo xarumaha dowladdau ay ku shaqeyso.
Amarkan oo si toos ah uga soo baxay Hibatullaah, ayaa fulintiisa si joogto ah loo kormeeridoonaa, waxaana laga illaalinayaa korontada masaajidda in loo isticmaalo goobo kale.
Arrintan ayaa ah mid ku dayasho mudan, oo muujineysa iney Afqaanistaan ka dhalatay dowlad ilaalineysa diinta Islaamka ee ay heystaan, kana shaqeyneysa danaha dadka Muslimiinta ah.